Home Wararka Maanta Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) oo Qaraxyo uu aasayay ku dhaawacmay oo...

Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) oo Qaraxyo uu aasayay ku dhaawacmay oo xukun adag maanta lagu riday

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xikun ku riday Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) oo l;agu helay in uu tirsanaa Al Shabaab , ninkan ayaana la sheegay in uu qaabilsanaa qaybta qaraxyada.

Ninkan ayaana ciidamada ammaanka qabteen xilli uu ku dhaawacmay miinooyin uu ku aasay waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale,  Wadada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdullaahi ayaa Al Shabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu isku dayay in uu ka bixyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta bowdada midig.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada oo codsaday dacwad Qaadista kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) Xabsi Daa’in  sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga Ogol yahay.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Ciidmada Huwanta oo Deegaano Hor leh Goordhow kala Wareegay Alshabaab
Next articleDowlada Iiraan oo Sheegtay inay Fulisay Xukuno Dil Ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here