Home Wararka Maanta Diyaaradii ugu horeysay oo uu saaray Shiinaa oo hawada sare u duushay

Diyaaradii ugu horeysay oo uu saaray Shiinaa oo hawada sare u duushay

0

Diyaaradii ugu horeysay ee Shiinuhu soo saarto gudaha dalka Shiinaha ayaa duushay duulimaadkeedii ugu horeeyay ee ganacsi.

TV-ga dowladda ayaa muujiyay diyaaradda C919 oo kaduuleysa hawada sare ee Shanghai iyadoona, kuna sii jeeday caasimadda Beijing horaantii saaka.

Waxa dhistay Shirkadda Duulimaadyada Ganacsiga ee Shiinaha (Comac) iyada oo rajaynaysa in ay jebiso awoodda diyaaradaha ee shirkadaha Airbus iyo Boeing.

Laakiin diyaaradan ka kakooban 164-kursi ayaa wali si weyn ugu tiirsan qalab la keenay wadamada reer galbeedka, oo ay ku jiraan matoorada iyo qalabka duulista.

Duulimaadkii ugu horeeyay ee ganacsi oo ay ka duushay Shanghai kuna socotay Beijing, waxay kujartay wax ka yar saddex saacadood,waxaana la socday inkabadan 130 qof oo rakaab ah.

Ad
Previous articleCumar Cabdirashiid”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore”Oo Ka Horyimid Heshiikii Goloha Wadatashi Qaran
Next articleGalmudug oo Alshabaab Gaalkacyo Lagu Qabtay Ku Riday Xukuno Adag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here