Home Wararka Maanta Galmudug oo Alshabaab Gaalkacyo Lagu Qabtay Ku Riday Xukuno Adag

Galmudug oo Alshabaab Gaalkacyo Lagu Qabtay Ku Riday Xukuno Adag

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybteeda 21-aad ee Galmudug ayaa Xukuno kala duwan ku riday Shabakad argagixiso oo Dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka geystay Magaaladda Gaalkacyo.

Anas Cabduqaadir Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay Salmaan iyo Aadan Mursal Maxamed oo magaaladda Gaalkacyo ku dilay Cilmi Cali Guuleed, Maxamed Jaamac Maxamed “Caga-biyood”, Cabdi Aadan Siyaad Cabdi dheere ayey Maxkamadu ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumiinta kor ku xusan.

Ibraahim Madeey Macalin Cabdullaahi oo loo diyaarinayey inuu isku Qarxiyo Xerada Ciidanka Danab ee magaaladda Gaalkacyo  ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe oo khawaarijta u ahaa Keyd haye iyo Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage oo isna qaabilsanaa Daabulidda iyo kala gudbinta xubnaha argagixisada, ayaa labaduba waxaa lagu xukumay min 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Maxamuud Maxamed “ Beylood” ayey Maxkamadda sii deysay kadib markii lagu waayey eedii lagu soo oogay, waxaa sidaas waraahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad qayta kow iyo labaatanaad Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan.

Ad
Previous articleDiyaaradii ugu horeysay oo uu saaray Shiinaa oo hawada sare u duushay
Next articleWAR DEG DEG AH:Nisa Oo Gacanta Ku Djigtay Horjoooge Sare Cabdiraxmaan Macalin Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here