Home Wararka Maanta Cumar Cabdirashiid”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee...

Cumar Cabdirashiid”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore”Oo Ka Horyimid Heshiikii Goloha Wadatashi Qaran

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahan ka socday xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo xalay saq-dhexe go’aano culus laga soo saaray.

Cumar Cabdirashiid ayaa si weyn uga horyimid war-murtiyeedka kasoo baxay shirka oo ku saabsanaa wax ka beddal lagu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa qoraalkiisa oo ku qornaa Egilish ku sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uu isku beddalay nidaam kali talis oo kale, sida uu hadalka u dhigay.

”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay” ayuu ku yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabada ay qaadaay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ay uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama ay iyagu sameysteen muddo kororsi horleh, isla-markaana ay soo saareen go’aanno iskhood ah.

Cumar C/rashiid ayaa hadalkiisa sii raaciyay in qaadashada go’aanadaasi ay kasii dari karto oo kaliya xaalada dalka.

“Tanni waxay keliya ka dari karta sunta degaankeena ee siyaasadded” ayuu markale ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Golaha ayaa baahiyey in heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List).
Ad
Previous articleMuseveni oo sheegay in 800 oo Shabaab ah ay Cagta Mariyeen Xeradoodii Buulo-Mareer Sheegayna In Askartoodii argagax Ku dhacay
Next articleDiyaaradii ugu horeysay oo uu saaray Shiinaa oo hawada sare u duushay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here