Home Wararka Maanta Dhismaha Safaarada Qatar ku leedahay Magaalada Khartuum oo la weeraray lana Bililiqaystay

Dhismaha Safaarada Qatar ku leedahay Magaalada Khartuum oo la weeraray lana Bililiqaystay

0

Weerar iyo Bililiqo xooggan ayaa loo geystay Dhismaha Safaarada Dowladda Qatar ku leedahay caasimadda  Sudan ee Khartoum.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa lagu sheegay inay Kooxda Gurmadka degdega ee RSF boob xooggan u geysteen Safaarada Qadar, waxayna si kulul cambaareeyeen bililiqadaasi

Bayaanka ayaa lagu xusay inay Ciidanka RSF boob u geysteen Qalabkii Safaaradda yaallay, sida Kombiyuutarada iyo Gaadiidka Safaaradda, isla markaana ay burburiyeen hantidii kale ee ay Safaarada Qatar lahayd.

Xiliga uu weerarkan dhacay ayaa waxaa safaarada joogay ilaalo kooban, iyadoo dowlada Qatar ay horey diblomaasiyiinteeda ugala baxday magaalada Khartuum.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay Boobka loo geystay Safaaradaha dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Turkiye ku leeyihiin Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Todobaadkii hore, Dhismaha Safaaradda Somalia ku leedahay Caasimadda dalkaasi ee Khartoum ayaa la bililiqeystay, waxaana lagu eedeeyey inay Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen.

Ad
Previous articleRaysulwasaaraha UK: Waa qasab inay Ukraine ku guleysato dagaalka
Next articleDad ajnabi ah oo Daganaa Hotel ku yaala Sacuudiga ku dhintay shil argagax leh Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here