Home Wararka Maanta Dad ajnabi ah oo Daganaa Hotel ku yaala Sacuudiga ku dhintay shil...

Dad ajnabi ah oo Daganaa Hotel ku yaala Sacuudiga ku dhintay shil argagax leh Sawiro)

0

Ugu yaraan 8 Muwaadin oo Pakistani ah ayaa geeriyootay, 6 kalena wey ku dhaawacmeen, Karin, dab xooggan oo ka kacay Hotel ay ka deganaayeen magaalladda Barakaysan ee Maka Al-Mukarama ee dalka Sacuudiga.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Pakistan ayaa lagu xaqiijiyey dhacdadaasi, iyadoo dadka geeriyooday ay ka mid ahaayeen Kumanaanka qof ee Waajibaadka Cumrada u tegay Sacuudiga.

Wafdi Pakistani oo ku sugan magaalladda Jeddah ayaa la xiriiray Dowladda Sacuudiga,  si loo caawiyo Qoysaska Dhibanayaasha.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Haweeneyda Wasiirka Warfaafinta ka ah dalka Pakistan,  Marriyum Aurangzeb ayaa sheegtay inuu RW Shebhaz Sharif ku amray Wasaaradda Arrimaha Diinta inay gudbiyaan in si Wanaagsan loo daaweeyo dadka ku dhaawacmay dabka ka kacay Hotel ku yaalla Sacuudiga.

Dhanka kale,  Duullimaadkii u horeeyey ee Xujeeyda dalka Pakistan ayaa saakayto ka degtay magaalladda Barakaysan ee Madiinatul Munawara.

330 Xujeey ayaana la socotay Duullimaadkaasi oo Saqdii Dhexe ee xalay ka soo duulay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jinnah International Airport oo ku yaalla magaalladda Karachi ee dalkaasi.

Shirkadda Diyaaradaha ee Pakistan International Airlines (PIA)waxay sheegtay inay Hawlgalada daabulista Xujeeyda u adeegsan doonaan Diyaaradaha Boeing 777 iyo Airbus 320.

Ad
Previous articleDhismaha Safaarada Qatar ku leedahay Magaalada Khartuum oo la weeraray lana Bililiqaystay
Next articleAmiirka Guud ee Alshabaab oo Kasoo Muuqday Shir ay Alshabab Warmurtiyeed Culus kasoo Saareen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here