Home Wararka Somaliya Puntland Deg deg:Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo Iyo Khasaare Ka Dhashay

Deg deg:Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo Iyo Khasaare Ka Dhashay

0

Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday beerta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu afur ugu sameeyey Nabadoonku, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdi Siciid iyo caruurtiisa oo dhawaan qoys u tagay magaaladaas, maadaama ay qaraabo yihiin.

Inta la xaqiijiyey ilaa hadda hal askari oo kamid ahaa ilaalada wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa kugeeriyooday weerarkan, waxaana dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo sarkaal kamid ah kuwa Puntland.

Yasin ayaa dhawaan usoo jeediyey Siciid Deni in uu wareejiyo xilka Madaxweyne-nimada Puntland, maadaama Federaalka isku sharaxay.

3-dii sanno ee lasoo dhaafay Puntland kala aragti duwanaanshaha ayaa mamnuuc ahaa, dhacdooyinka siyaasadeed ayaana mar kasta lagu wajahayay awood ciidan.

Ad
Previous articleJubaland oo Ciidamo Ka Dajisay Degmada Ceelwaaq(Sawiro)
Next articleWasiiradda arimaha dibada Biljimka ayaa isaga tagtay xilkeedii si ay u dareyeesho ninkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here