Home Wararka Somaliya Jubbaland Jubaland oo Ciidamo Ka Dajisay Degmada Ceelwaaq(Sawiro)

Jubaland oo Ciidamo Ka Dajisay Degmada Ceelwaaq(Sawiro)

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland  S/Gaas Yusuf Xusseen Cismaan (Dhuumaal) iyo qaar  ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa garay degmada Ceelwaaq  oo ah degaanka doorashada labaad ee Jubbaland.

Ceelwaaq ayaa lagu qaban doonaa doorashada 16-ka Kursi ee gobolka Gedo ka dib markii laga soo wareejiyey Magaalada Garbahaarey.

Ciidamadan ayaa kab qeyb qaadan doona sugida ammaanka goobta lagu qabanayo doorashada ee degmada Ceelwaaq sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Jubbaland.

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa xalay shaaciyey habraaca doorashada qaar ka mid ah 16ka kursi ee loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.

Ad
Previous articleRuushka oo la wareegay boqolkiiba 80 Gobolka Luhansk Sida uu sheegay Barasaabka
Next articleDeg deg:Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo Iyo Khasaare Ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here