Home Wararka Somaliya Puntland Deg Deg Fanaanka Sharma Boy oo Garoowe Lagu xiray

Deg Deg Fanaanka Sharma Boy oo Garoowe Lagu xiray

0

Ciidamada Booliiska Garowe ayaa Maanta xiray fannaanka dhalinyarada ah ee Sharmaarke Cabdinaasir Maxamed oo loo yaqaano Sharma Boy, kaas oo loo haysto inuu masuul ka yahay shil gaari oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Maanta barqadii, gaari nuuca raaxada ah oo uu darawal ka ahaa Sharma Boy, ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir  Shaalle.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Nugaal, gaashaanle sare, Maxamed Jaamac aadan, ayaa warbaahinta u sheegay in kiiskaan la baaridoona jawaab degdeg ahna lagasoo saari doono dhawaan.

Fannaanka Sharma Boy ayaa falkaan la kulmay xilli uu maalmo kooban ku sugan yahay magaalada Garowe, halkaas oo uu u tagay inuu ku qabto bandhig faneed iyo arrimo kale oo fankiisa quseeya.

Ad
Previous articleAfhayeenka Musharaxiinta oo Saxaafada La hadlaya Goor dhaw
Next articlein ka badan 40 Kun oo arday ah oo Maanta u fadhiisanaya imtixaanka D sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here