Home Wararka Somaliya Puntland Dagaal ka Dhacay Magaalada Garowe iyo Khasaaro Ka Dhashay

Dagaal ka Dhacay Magaalada Garowe iyo Khasaaro Ka Dhashay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan Puntland oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaasoo dhaliyay dhaawacyo.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan ciidamada saldhigga Booliska magaalada Garoowe iyo kuwa kale uu watay taliyihii hore ee Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Wararka ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay socotay ku waad 20 daqiiqado, isla-markaana ay keentay in lagu kala cararo agagaarka barxadda Garoowe oo ah meel mashquul ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacmay in saddex qof oo shacab ah iyo sidoo kale askari ka tirsan ciidanka Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Iska hor imaadka ayaa lagu soo warramayaa in xoogan looga dareemay, balse haatan xaaladda ayaa ah mid deggan, waxaana caadi ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud

Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan shaqaaqadaasi khasaaraha dhalisay.

Ad
Previous articleQarax Culus oo Lagu Weerary Taliyaha Guutada ilaalada Madaxda Qaranka(Sawiro)
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo Maantay ka dhacay Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here