Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo Maantay ka dhacay Laascaanood

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal culus oo Maantay ka dhacay Laascaanood

0

Xogta aan ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegeysa in maanta uu mar kale dib u bilowday dagaalka taagnaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay.

War kasoo baxay dhinaca Somaliland ayaa lagu sheegay in xoogagga deegaanka ee Laacaanood ay saaka weerar ku qaadeen fariisimaha ciidanka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida.

War saxaafadeedka Somaliland oo lagu shaaciyay warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu sheegay “in dhankooda ay tixgelinayaan xabbad joojintii ay horay ugu dhawaqeen balse ay isdifaacayaan”.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta dhinaca Laascaanood.

Dagaalkan oo ilaa hadda lasoo tebiyay in ay ku dhinteen in ka badan 100 qof ayaa sababay barakaca qoysas badan oo ka qaxay magaalada Laascaanood.

Ad
Previous articleDagaal ka Dhacay Magaalada Garowe iyo Khasaaro Ka Dhashay
Next articleAfwerki oo si adag uga hadlay ciidamadii lagu soo tababaray Eretria iyo Macawiisleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here