Home Wararka Somaliya Xubnaha Guddiga Doorashada oo Maanta Gudoomiye dooranaya, Hadaba waa Kuma Magacyada sharaxan...

Xubnaha Guddiga Doorashada oo Maanta Gudoomiye dooranaya, Hadaba waa Kuma Magacyada sharaxan ?

0

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha gudiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed & xalinta khilaafaadka inay doortaan Guddoonkooda si Shaqadooda ay u bilaawdaan.

Qaban qaabada kulamada lagu dooranayo Guddoonka Guddiyada doorashada Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed & xalinta khilaafaadka ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, iyada oo ay horay isaga dhex doorteen Guddoomiyeyaal KMG ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in loolanka ugu adag ee doorashada in loo geli doono Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Federaal oo ay ku tartami donaan musharixiin ay kala wataan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed & xalinta khilaafaadka ayaa dhawaan tababar ku qaatay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay dhawaan Shaqadooda bilaabaan.

Hadaba Halkaan ka akhriso Magacyada Xubnaha u sharaxan.

Guddoomiye
1- Maxamed Xasan Cirro (Guddoomiyihii hore)
2- Liibaan Axmed Xasan (Liban shuluq)
3- Cabdi Xiis Aadan
4- C/casiis Yuusuf
5- Maxamed Muuse
Kuxigeen
1- Mowlid Mataan
2- Saciid Abshir
Ad
Previous articleDagaal culus ayaa ka qarxay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb
Next articleDhageyso Saraakiisha Dowladda oo war ka soo saaray Dagaal ka dhacay Galmdug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here