Home Wararka Somaliya Galmudug Dad farabadan oo lagu xiray Guriceel iyo Dhuusamareeb

Dad farabadan oo lagu xiray Guriceel iyo Dhuusamareeb

0

Ciidamada amaanka ee Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa xiray tiro aad u badan oo kamid ah dadkii Maalmo ka hor Deegaanka Bohol uga qaybgalay munaasabad ay kasoo muuqdeen madaxda kooxda la baxdey Ahlusunna.

Ciidamada oo adeegsanaya macluumaad gaar ah iyo tixraaca sawirada iyo muuqaaladii laga duubey bohol ayaa labada Magaalo ka bilaabay in Dadkaasi la soo qabto, waxaana caawa xabsiyada ku hoyanaya xubno aad u badan oo qaarkood lagu tuhmayo in ay kooxda ku taageereen hiil dhaqaale iyo farsamooyin kaleba.

Marka laga soo tago in la dhigo Munaasabadaas oo kooxda la baxdey Ahlusunna Sanad waliba qabato, hadana waxa ay Xambaarsaneed Fariin Dagaal oo kooxdani halkaasi ka soo diraysay, waxa ayna soo bandhigeen dhalinyaro ay hubeeyeen.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo ka horyimid Wereegtooyinkii Usoo saaray Axmed Karaash
Next articleWararkii ugu danbeeyey ee Doorashada Aqalka Sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here