Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey ee Doorashada Aqalka Sare

Wararkii ugu danbeeyey ee Doorashada Aqalka Sare

0

Waxaa maanta oo talaado ah lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, waxaana doorashada ku tartamaya musharaxiin badan oo saameyn leh.

Xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa gaaray teendhada Afisiyooni  ee lagu wado in ay ka dhacdo doorashada, waxaa sidoo kale lagu wadaa in halkaasi gaaraan senatarada Aqalka Sare ee wax dooranaya.

Ammaanka wadooyinka gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana sidoo kale ammaanka teendhada doorashada ka dhaceyso si weyn u adkeenayaa ciidamo katirsan howlgalka ATMIS.

Musharaxiinta u taagan xilka guddoonka gollaha Aqalka Sare ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday olole aad u xoogan, waxaana xubnahan siyaabo kala duwan codadka u weediisanayeen senatarada guddoonka ku tartamaya.

Doorashada Guddoonka waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare

  1. Sen. Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah Wasiirka Dastuurka XFS.
  2. Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare.
  3. Sen. Cusmaan Abokor Dubbe oo ah Wasiirka Warfaafinta XFS.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad 

  1. Sen. Cabdixakiin Macalin Axmed.
  2. Sen. Cali Shacbaan Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka labaad 

  1. Sen. Ilyaas Badel Gaboose.
  2. Sen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
  3. Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima Cadde)
  4. Sen. Cabdi Cusmaan Xareed
  5. Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte
  6. Sen. Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
  7. Sen. Xasan Xuseen Xaaji.

Ad
Previous articleDad farabadan oo lagu xiray Guriceel iyo Dhuusamareeb
Next articleXarunta Villa Hargaysa oo Xoog looga Saaray Shaqaalihii Baarlamaanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here