Home Wararka Maanta Amiirka Guud ee Alshabaab oo Kasoo Muuqday Shir ay Alshabab Warmurtiyeed Culus...

Amiirka Guud ee Alshabaab oo Kasoo Muuqday Shir ay Alshabab Warmurtiyeed Culus kasoo Saareen(Sawiro)

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay in lasoo gaba-gabeeyay shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe, inkasta oo aan la shaacin goobta uu sida gaar ah uga dhacay.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Sawirro ay kooxda baahisay ayaa muujinaya Abu Cubeyda oo dhex fadhiya shirka balse kooxda ayaa qarisay wejigiisa oo sawiradiisa ku furtay humaag.

Kooxda ayaa sheegtay in shirkan uu socday muddo siddeed maalmood ah, ayada oo warbaahinta Al-Shabaab ay baahisay war-murtiyeed iyo fatwo kasoo baxay shirkan, oo ay u dhan yihiin dhamaan dhinacyada kasoo qeyb-galay.

Kulankan ayaa waxaa lagu gorfeeyay marxaladda uu marayo wax ay kooxdu ugu yeerto “Jihaadka Bariga Afrika iyo shirqoolada kala duwan ee uu cadowgu usoo maleegayo si loo xagal daaciyo halganka Jihaadka,” sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay shirkaan.

Shirweynahan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Waxaa xusid mudan in qofka kaliya ee wejigiisa la qariyay uu ahaa Amiirka kooxda Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe warar la faafiyay ay sheegayeen inuu xanuunsanayo.

Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo lagu aqoonsan karo.

Si kastaba, Arrintaan ayaa waxaa durba ka dhashay hadal hayn xooggan, ayada oo dadka qaar ay ku macneeyeen inay tahay dib u dhac sirdoon, maadaama ay hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ay ogaan weyday dhicitaanka shirka intaas la’eg ee kooxda Al-Shabaab ay ku qabsatay gudaha Soomaaliya, xilli ay muddooyinkii dambe soo warineysay waxa ka socda gudaha kooxda.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleDad ajnabi ah oo Daganaa Hotel ku yaala Sacuudiga ku dhintay shil argagax leh Sawiro)
Next articleQaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)