Home Wararka Maanta Daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly oo kamid ahaa xiddigaha waaweyn ee ay...

Daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly oo kamid ahaa xiddigaha waaweyn ee ay kooxda Chelsea oo durba suuqa la dhigay

0

Daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly oo kamid ahaa xiddigaha waaweyn ee ay kooxda Chelsea la saxeexatay suuqii xagaagii ayaa durba suuqa la dhigay isagoo ka hayaami kara Stamford Bridge.

31 sano jirkaas ayaa Chelsea xagaagii heshiis 40 Milyan oo euro ah ugaga yimid Napoli waxaana tan iyo wakhtigaas ka muuqday hoos u dhac isagoo aan xataa joogto ka ahayn shaxda asaasiga ah.

Haatan warbaahinta dalka Talyaaniga gaar ahaan TuttoMercato ayaa sheegaya in kooxda Inter Milan ay xiisaynayso inay Kalidou kusoo celiso horyaalkaas.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Chelsea qudheedu diyaar u tahay inay January iibiso Koulibaly, xaqiiqada ah in suuqa laga heli karo ayaa kooxaha Talyaaniga soo jiidatay.

Inter ayaa u doonaysa Koulibaly si uu ugu noqon karo bedelka daafaceeda dhexe ee Milan Skriniar oo aan wali heshiis cusub u saxeexin.

Inay Chelsea ka shaqaynayso heshiis ay AS Monaco kaga doonayso da’yarka daafaca dhexe ee Benoit Badiashile ayaa muujinaysa sida aysan kalsooni badan ugu qabin kabtanka Senegal.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Amray in sida Al Shabaab loola dagaalamo Ciyaalka Weerada
Next articleDiyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka dowladda Shiinaha oo hareereeyay Taiwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here