Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Amray in sida Al Shabaab loola dagaalamo Ciyaalka...

Gudoomiye Madaale oo Amray in sida Al Shabaab loola dagaalamo Ciyaalka Weerada

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda degmooyinka dhaca qeybta bari iyo saraakiisha laamaha amniga.

Kulankan ayaa guddoomiyaha gobolka iyo guddoomiyaasha degmooyinka qeybta bari uga  hadlayeen u diyaar garowga qorshe howleedka sannadka cusub ee 2023 iyo qorshaha wada-shaqeynta laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Maddaale ayaa sheegay in muhiim tahay in laga shaqeeyo ammaanka degmooyinka dhaca qeybta bari, waxa uuna ugu baaqay guddoomiyaasha degmooyinka iyo saraakiisha amniga in wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Waxa uu sheegay duqa Muqdisho iyo degmooyinka qaar kusoo kordheen ciyaal weero uu sheegay in dadka dhibaato badan ku hayaan, waxa uuna xusay in ciyaalkan hadda dhaqankooda uu sii xumaanayo kana sii darayaan haddii aan degdeg wax looga qaban .

Yuusuf Maddaale ayaa sheegay in hadda ay joogto meel fiican oo looga hortagi karo ciyaalka weerarada, waxa uuna cadeeyay haddii aan hadda wax laga qaban in suurto gal noqoto in mustaqbalka sidii Al Shabaab lagula dagaalamo diyaarado iyo hub culus.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa marar badan ku baaqay in laga hortago qatarta ciyaalka weerarada ee ka jira Muqdisho, kuwaa oo hadda sii xoogeesanaya dhibaato badana ku haya bulshada.

Ad
Previous articleXildhibaanada Koonfur Galbeed oo dalab lama filaan ah ka gudbiyay xiisadda taagan
Next articleDaafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly oo kamid ahaa xiddigaha waaweyn ee ay kooxda Chelsea oo durba suuqa la dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here