Home Wararka Maanta Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka dowladda Shiinaha oo hareereeyay Taiwan

Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka dowladda Shiinaha oo hareereeyay Taiwan

0

Diyaarado badan oo nuuca dagaalka ah iyo Maraakiib ay leeyihiin milatariga dalka Shiinaha ayaa hareereeyay Jaziirada Taiwan ee dowladda Shiinaha sheegtao in ay katirsan tahay dhul weynaheeda.

War kasoo baxay dowladda Taiwan ayaa lagu sheegay in 71 diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo ay leeyihiin milatariga dalka Shiinaha  ku hareeraysan jasiiradda, waxa ayna diyaaradahan iyo maraakiibta cabsi galiyeen shacabka Taiwan.

Masuuliyiin katirsan dowladda Taiwan ayaa sheegay in Shiinaha kusoo qaaday duullaan aad u weyn, waxa ayna masuuliyiinta Taiwan ku tilmaameen falkan in uu yahay mid daandaansi ah oo Shiinaha ku dhaqaaqayaan.

Dowladda Shiinaha ayaa dhankeeda sheegtay in ciidankooda milatariga ay dhoolotus ka sameenayaan jaziirada Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeereen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei.

Xiisada u dhaxeysa dowladda Shiinaha iyo Taiwan ayaa meel xun gaartay ,xiili Mareykanka  ansixisay sharciga kharashka difaaca ee oggolaanaya ilaa toban bilyan oo doollar oo gargaar amni ah iyo soo iibsashada hubka ee Taiwan.

Ad
Previous articleDaafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly oo kamid ahaa xiddigaha waaweyn ee ay kooxda Chelsea oo durba suuqa la dhigay
Next articleCiidamada Dowlada oo Xoog ku furay Wada Xariirisa Marka iyo Muqdisho iyo dowlada oo ka hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here