Home Wararka Somaliya Somaliland Gudoomiyihii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaabilsanaa gobolka Sool oo La...

Gudoomiyihii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaabilsanaa gobolka Sool oo La Dilay

0

Gudoomiyihii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaabilsanaa gobolka Sool ayaa caawa lagu dilay magaalada Laascaanood sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Maxamed Aflahar ayaa waxaaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday, kuwaasoo ka baxsaday goobta markii ay dilka fuliyeen.

Ciidanka amaanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood ayaa bilaabay howlgalo baaaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan raggii dilkaas.

Lama oga cida ka dambeysay dilka Gudoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool, mana jirto cid sheegatay, sidoo kale Xisbiga UCID iyo laamaha amaanka Somaliland kama hadlin dilkan.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo daabacaysa Lacag Shilin Soomaali ah
Next articleColaadda Itoobiya: “Meydadku waxay daadsan yihiin tuulooyinka oo dhan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here