Ciiidamo Hubaysan oo lawareegay Qaybo Ka Mid ah Degmada Guriceel iyo Xaalad kacsanaan ah oo Halkaas ka Taagan

Xaaladda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta aad u kacsan, waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug oo gadood ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ciidamadan oo saldhig ku lahaa duleedka Guriceel ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen qaybo badan oo ka mid ah magaaladaasi, iyaga oo la wareegeen kastamka canshuuraha dowlad goboleedka Galmudug ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxa ay hakiyeen ciidamadu dhaq-dhaqaaqa wadadaas, gaar ahaan qaybta xigta dhinaca degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxayna saraakiishoodu sheegeen inysan wax mushaar ah helin bihii lasoo dhaafay.