Aadan Madoobe oo amar culus Duldhigay saaraakiisha ammaanka(Sawiro)

Ku simaha madaxweynaha dalka, ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka dalka, gaar ahaan kan Muqdisho.

Shirka oo ka dhacay xafiiska ku simaha madaxweynaha dalka ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha ammaanka ee dalka, sida taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, taliyeyaasha qaybta ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda ee qaabilsan gobolka Banaadir.

Intii uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay adkeynta amniga iyo  u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda oo nagu soo fool leh todobaadka soo socda.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray ka shaqeynta amniga maalmaha xorriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen si nabad ah.