Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waare oo Dil toogasha ah lagu Xukumay kadib Dil uu ugaystay….

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan aheyd Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waare oo ah askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil uu u geystay taliyihiisii oo lagu magacaabi jiray Marxuum Axmed Cali Cabd, kaas oo ahaa taliye Unug ka tirsan Booliska.

Sida ay Maxkamaddu sheegtay dilka taliyahaas ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan, 17-kii March ee 2021, iyada oo kadib eedeysanaha lasoo qabtay.

Dhageysiga dacwadda askarigan ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyada oo fadhiyo dhowr ahna ay ka yeelatay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.