Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo oo weerar ku Qaadi Doona oo Markale loo Daabulay Dhuusamareeb(sawiro)

Ciidamo oo weerar ku Qaadi Doona oo Markale loo Daabulay Dhuusamareeb(sawiro)

0

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo qaab beeleed u abaabulan ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, kuwaasoo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankan oo ka soo jeeda beesha Duduble ayaa waxay Muqdisho ka qaaday labo diyaaradood, iyagoo watay qalabkooda milateri.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay xoojin doonaan ciidamo horey halkaas loo geeyay oo loo diyaarinayo iney Al-Shabaab ka saaraan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Sidoo kale berri oo Jimco ah iyo maalinta xigta ee Sabtida ah ayuu qorshuhu yahay in ciidamo kale laga daabulo magaalada Muqdisho, laguna xoojiyo ciidankan lagu diyaarinayo Dhuusamareeb

Dhowaan labada beelood ee wada dagmooyinka Ceelbuur, Ceel la helay  Galhareeri iyo kuwa kale ayaa isla gartay xoreynta degaanadaas qadiimiga ah oo ay muddo dheer ka talinaysay kooxda Al-shabaab.

Ad
Previous articleCiidamada dowlada oo sheegay iney 150 dagaalyahan ku dileen degaanka Ceel hareri
Next articleAadan Madoobe oo shir muhiim ah ka furay Garowe (Daawo Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here