Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo shir muhiim ah ka furay Garowe (Daawo Sawirro)

Aadan Madoobe oo shir muhiim ah ka furay Garowe (Daawo Sawirro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe  magalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah.

Shirka oo ay furitaankiisa ka qeyb galeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa waxaa ugu horeyn Shirka faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in la isla meel dhigo howlaha hortebinta u leh Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu shirkan leeyahay maadaamaa looga doodi doono mudada uu socdo ajendayaal muhiim u ah Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ad
Previous articleCiidamo oo weerar ku Qaadi Doona oo Markale loo Daabulay Dhuusamareeb(sawiro)
Next articleDabley Hubaysan oo Toogatay Marxuum Cabdiraxmaan Cali Malaay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here