Home Wararka Maanta Ciidamada dowlada oo sheegay iney 150 dagaalyahan ku dileen degaanka Ceel hareri

Ciidamada dowlada oo sheegay iney 150 dagaalyahan ku dileen degaanka Ceel hareri

0

Dagaalo culus ayaa la soo sheegayaa iney maanta ka dhaceen degaano ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe kuwaasoo dhexmaray ciidamada DF oo kaashanaya kuwa degaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada isgarabsanaya ay weerar ku qaadeen degaanka Ceel hareri oo ay joogeen Al-shabaab

Ciidanka Kumaandoska Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Danab oo qeyb ka ahaa dagaalka iyo Ciidanka Difaaca Degaanka ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii maanta oo ilaa gabal dhicii soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ka qeyb qaateen dayuuradaha Droneska ee ciidamada Mareykanku ay leeyihiin kuwaasoo garaacay goobaha ay joogeen Al-Shabaab.

“Dagaalkan argagixisada waxa looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad gaaraya 150 waxaana Dagaalka Dhinac socday Duqaen dhanka Cirka taasoo gabi ahaanba cagta lagu mariyey Fariisimihii Argagixisada” sidaa waxaa yiri Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska  Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab Gashanle Dhexe Axmed Cabdilaahi Nuur (Beeryare).

Ad
Previous articleSweden oo Cadeesay Qaxootiga ay Mudnaanta siinayso ee Dalka imaanaya
Next articleCiidamo oo weerar ku Qaadi Doona oo Markale loo Daabulay Dhuusamareeb(sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here