Home Wararka Somaliya Ciidamadii xiray wadooyinka soo gala Daljirka Daahsoon oo dib looga qaaday Halkaasi

Ciidamadii xiray wadooyinka soo gala Daljirka Daahsoon oo dib looga qaaday Halkaasi

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dib uga qaaday Ciidamada ka tirsan NISA oo shalay la geeyay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere iyo xaagadaha ku dhow dhow.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay shalay ilaa xalay xireen wadooyinka so gala Daljirka Daahsoon, iyaga oo u diidayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo Mootooynka Bajaajta.

Ujeedada Ciidamada loo geeyay ayay aheyd markii sida uu sheegay Wasiirka Amniga ay Midowga Musharixiinta ay sheegeen inay geeynayaan taalada Daljirka Daahsoon iyo wadooyinka soo gala Ciidamo suga amniga banaanbaxa ay dhigi lahaayeen Maanta kaas oo baaqday.

Waaberigii hore saaka ayaa dadka ku nool Xaafadaha ku dhow dhow Taalada Daljirka ayaa waxaa ay kuso tooseen Ciidamadii shalay la keenay ee wadooyinka xiray oo laga qaaday, iyada oo gadiidka iyo Mootooynka Bajaajta ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Dhinaca kale Gudaha Taalada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa WARAN eek amid ah NISA, kuwaas oo la geeyay tan iyo markii Midowha Musharixiinta ay ku dhawaaqeen banaanbaxa.

Ad
Previous articleCaasimada Dhuusamareeb oo Xalay Lagu dhaawacay 3 Qof
Next articleAxmed Madoobe iyo dani oo Muqdisho imaanaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here