Home Wararka Maanta Caasimada Dhuusamareeb oo Xalay Lagu dhaawacay 3 Qof

Caasimada Dhuusamareeb oo Xalay Lagu dhaawacay 3 Qof

0

Weeradaan oo xalay ka dhacay Magalada dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa fuliyay Kooxo Burcad ah oo dadka ka dhacayay mobeelada.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in rag Burcad ah oo ku hubeysan Tooreey ay saddex ruux siyaabo kala duwan ugu dhaawaceen dad ay mobeelada ka dhacayeen Xaafadaha, Horseed, Waabari iyo Waxarcade ee Magaalada Dhuusamareeb

Sarkaal u hadlay laamaha Amniga ayaa dhankiisa sheegay in Saddexda qof ee tooreeyda lagu weeraray mid kamid ah ah Caloosha wax laga gaarsiiyay, isla markaana dhaawiciisa uu yahay mid culus, kaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan hey’addaha Amniga ayaa durbadiiba ka howl galey xaafadaha weeraradu ka dheceen oo hore aan looga aqoonin kooxahan abaabulan ee ujeedkoodu yahay in ay dhacaan dadka hoyaadka u ah xaafadohooda.

Tan iyo Markii Meesha laga saaray hoggaankii Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa waxaa aad u xumaaday amniga Magaalada Dhuusamareeb, waxaana dhowr jeer Magaalada ay hoobiyeyaal ay kusoo weerareen Al-Shabaab.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay in Khasaare Culus uu ka dhashay Qarax Lagu Weeraray Luul yamani
Next articleCiidamadii xiray wadooyinka soo gala Daljirka Daahsoon oo dib looga qaaday Halkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here