Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay gaari qaraxyo lagu Soo Raray(Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay gaari qaraxyo lagu Soo Raray(Sawirro)

0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland, ayaa soo bandhigay Hub iyo Qaraxyo ay ku soo qabteen Howlgallo ay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Jubbalad Hoose.

Howlgallada ayaa si gaar ah looga fuliyey degaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq dabayl iyo Barjalla oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidamada ee Hoggaamineysay Howlgalka ayaa sheegay in ay burburiyeen Taliskii Qaraxyada ee Al-shabaab ku lahaayeen Jubbalada Hoose, isla markaasna gacanta ku dhigeen Hub, qaraxyo iyo Gaadiid.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in inta uu howlgalka socday ay dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaasna ay nolol ku qabteen afar kale.

Ad
Previous articleDhalinyaro Soomaali ah oo Ka Shaqaynaayay arimo Halis ah oo lagu qabtay dalka Mozambique
Next articleBangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu Deeqay malaayiin dollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here