Dhalinyaro Soomaali ah oo Ka Shaqaynaayay arimo Halis ah oo lagu qabtay dalka Mozambique

Booliska dalka Mozambique ayaa magaalada Beira ku xiray shan qof oo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin shabakad afduub iyo ka ganacsiga daroogada.

Sida ay booliska ay sheegeen, shanta qof oo la xiray Arbacadii 22-ka June ayaa sitay dokumentiyo been abuur ah oo kala duwan.

Dokumentiyada ayaa waxaa ku jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaararka codsigga magan-galyada dalka Mozambique ah, kaarar aqoonsi oo Kenyan ah iyo baasaboorada safarka Mozambique.

Booliska ayaa sidoo kale baaraya shabakad rayid oo ku sugan dalka Mozambique, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay fududeeyeen in Soomaalida ay soo galaan dalkaas, soona saaraan dokumentiyada, sida uu sheegay afhayeenka booliska Daniel Macuacua.