Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu Deeqay malaayiin dollar

Maamulka Bangiga Adduunka ayaa ansixiyey malaayiin dollar oo loogu talagalay Soomaaliya, si loo caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira dalka ee sababay xaaladaha bani’aadanimo ee kasii daraya Soomaaliya.

Lacagta uu Bangiga Adduunka u saxiixay Soomaaliya ayaa gaareysa 143 milyan oo dollar, taas kusoo aaday, xilli ay Soomaaliya u qabto baahi weyn oo ku aadan abaaraha.

Bangigu waxa uu sheegay in mashruucaan cusub uu wax ka qaban doono baahida illaa 20,000 qoys, sidoo kalena lacag kaash ah oo degdeg ah la siindoono illaa 338,000 qoys, iyo 160,000 qoys oo iyagana dhaqaale ka helidoona mashruucaan.

Kristina Svensson oo ah maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ka hadleysay taageeradan dhaqaale ayaa sheegtay in muhiimaddu ay tahay u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan kuwa nugul ee wajahaya cunno yarida sii kordhaysa.