Home Wararka Caalamka Ciidamada TIGRAY ee Itoobiya oo magan-gelyo weydiistay SUUDAAN

Ciidamada TIGRAY ee Itoobiya oo magan-gelyo weydiistay SUUDAAN

0

In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee ka mid ah ciidmada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, waxayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.

Ilaa sanadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciidamo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo, kaasoo salka ku haya muran dhuleed iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Nile, kaasoo Suudaan ay ka cabsi qabto inuu khatar ku noqdo helitaanka biyaha.

Inta badan ciidamada Itoobiya ayaa dib ugu laabtay dalkooda, balse qaarkood ayaa hadda codsaday magangalyo, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York.

“Tiro nabad ilaalin ah ayaa doortay inaysan laaban, waxayna raadinayaan ilaalin caalami ah, waxaa lagu ilaalinayaa meel ammaan ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay” ,” ayuu yiri afhayeenku.

“Mas’uuliyadda bixinta magangelyo waxay saaran tahay mas’uuliyiinta Suudaan oo ay ka caawinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee qaabilaadda dadkaas.” ayuu raaciyay.

Ad
Previous articleTaliyaha cusub ee Booliska Dhuusamareb oo Xilka La Warewgay(Sawiro)
Next articleAlshabaab Damacsanaa inay Weeraro ka gaystaan Itoobiya oo Gacanta Lagu Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here