Home Wararka Caalamka Alshabaab Damacsanaa inay Weeraro ka gaystaan Itoobiya oo Gacanta Lagu Dhigay

Alshabaab Damacsanaa inay Weeraro ka gaystaan Itoobiya oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Hay’adda sirdoonka iyo ammaanka qaranka ee waddanka Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtay 34 qof oo laga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, dadkan laga shakisanyahay ayaa waxa ay qorshaynayeen inay weerraro ka gaystaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo gobollo kale.

Wakaaladdu waxa ay intaasi ku dartay in dadkaasi lagu soo xirxiray howlgal ay wadajir ciidammada ammaanka uga sameeyeen gobollada Soomaalida iyo Oromada ee dalkaasi.

Sidoo kale, eedeysanayaasha ayaa laga helay Hoobiyayaal, Rasaas iyo Hub kale, waxayna sidoo kale wateen dukumentiyo iyo Lacago.

Warbixinta ENA ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadaan ay qorsheenayeen inay weeraro fuliyeen maalmaha ciidda ee nagu soo foosha leh si ay uga faa’ideystaan mashquulka tirada badan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in eedeysanayaashaan lasoo taagi doono maxkamad si looga tallaabo sharci ah, balse lama shaacin waqtiga la geynayo maxkamadda.

Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada Hey’adda Sirdoonka iyo Ammaanka ee dalka Itoobiya ee ah inay qabatay xubno ka tirsan koxdaan.

Itoobya ayaa horey u fashilisay weeraro ay kooxda Al-Shabaab ka fulin rabtay gudaha dalkaas, waxaana taas sabab looga dhigay in sirdoonka dalkaas uu yahay mid awood badan oo xilli kasta hela xogaha iyo siraha kooxdaan.

Ad
Previous articleCiidamada TIGRAY ee Itoobiya oo magan-gelyo weydiistay SUUDAAN
Next articleMadaxweyne KU Xigeenka Jubaland oo si aan Horay u dhicin ugu garnaqsaday Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here