Home Wararka Maanta Mareykanka oo tababar u xiray saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB (Sawirro)

Mareykanka oo tababar u xiray saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB (Sawirro)

0

Cutubyo ka tirsan Guutada 16-aad kumaandooska Danab ee XDS ayaa waxaa Tababar loogu soo xiray degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Tababarkan ayaa la xiriiray habka Loo Sameeyo Xiriirka Ka Dhaxeeya Ciidanka & Shacabka.

Munaasabada xeritaanka tababarka waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ururka 4-aad Guutada 16-aad ee Danab C/Qaadir Maxamed Caruush, Madaxa Arrimaha bulshada & Warbaahinta Guutada 16-aad Shillaawe Cabdilaahi Xero & Saraakiil kale oo ka tirsan Danab & ciidamada Mareykanka.

Masuuliyiinta ayaa kula Dardaarmay Ciidanka tababarka loo soo xiray in Wixii ay barteen  bulshadooda ugu adeegan, Lagana Dareemo Shaqadooda, islamarkaana ay la yimadaan Daacadnimo & Hufnaan Xaga Shaqada ah.

 

Ad
Previous articleArday labadiisa Macalin ku dilay Faas iyo Mindi oo xukun adag lagu riday
Next articleCiidamada Macawislayda Hiiraan oo Cagta Mariyay Saldhig wayn oo Alshabaab ku Sugnaayeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here