Ciidamada Booloska Gobalka Banaadir oo Soo Qabtay Haweneey Caruurteeda Shiishid Siisay oo la Baadi Goobaayay

Gudoomiyaha Amniga Gobalka Banaadir Cali yare Cali ayaa Cadeeyey in Lasoo Qabtay hooyo laba Gabdhood oo ay Dhashay Shiishid Siisay kadibna Vedio ka Duubtay.

“Howlgal ay sameeyeen laamaha amniga waxaa noo suurtagashay inaan gacanta ku soo dhigno Hooyo ku takri fashay labo gabdhood oo saqiiro ah oo ay dhashay kana duubtay muuqaal iyada oo siineeysa Badeeco_Shiishad – muuqaalkaas oo argagax galiyay Bulshada Soomaaliyeed Dal iyo Dibad.”

Waxaan u gudbin doonnaa Hey,adaha ku shaqada leh.

Waxaan umahadcelinayaa qofkii shacabka ahaa ee xogteeda nala soo wadaagay iyo qeybta guud ee Booliska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*