Home Wararka Maanta Ciidamo lamaga baxay ATMIS oo lagu Badalaayo Ciidamada AMISOM

Ciidamo lamaga baxay ATMIS oo lagu Badalaayo Ciidamada AMISOM

0

Ciidamo Midowga Afrika ah oo loo bixiyay ATMIS ayaa mas’uuliyadda kala wareegaya ciidamada AMISOM oo sanadihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Soomaaliya, iyagoo heysta muddo labo sano ah oo ay mas’uuliyadaha ammaanka ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya, sida ay isku raaceen Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Heshiis ay gaareen labada dhinac kadib wada hadalladii 7-dii January sanadkii hore, AMISOM ayaa waxaa mas’uuliyadda kala wareegi doona Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Ciidamadan cusub, oo ay labada dhinac isku raaceen, ayaa u shaqeyn doona sida AMISOM, balse waxay heystaan muddo cayiman oo ay mas’uuliyadda ammaanka ugu wareejin doonaan ciidamada Soomaaliya marka la gaaro December 2023.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWasiirad Xilkeedi Ku waysay inay Islaam tahay
Next articleCiidamada Booloska Gobalka Banaadir oo Soo Qabtay Haweneey Caruurteeda Shiishid Siisay oo la Baadi Goobaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here