Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska Muqdisho oo war kasoo saartay dilkii maanta ee carada badan...

Ciidamada Booliska Muqdisho oo war kasoo saartay dilkii maanta ee carada badan dhaliyay

0

Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray dilkii maanta ka dhacay Laami-yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo uu askari ka tirsan ciidanka dowladda uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud Booliska gobolka Banaadir ayaa waxa lagu sheegay in ciidanka booliska, gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Wadajir ay soo qabteen askariga dilka geystay,

“Ciidanka Booliska Soomaaliyed gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Wadajir ayaa qabtay askari tirsanaa ciidanka dowladda oo wiil dhalinyaro ah oo kamid ah kuwa ku shaqeesta gaadiidka moota bajaajta, waaxda Jeneraal Daa’uud, agagaarka laami-yaraha Zoobe ee Degmada Wadajir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haatan ay socoto baaris ka dhan ah eedeysanaha, islamarkaana dhawaan la horgeyn doono maxkamada awooda u leh si cadaalada loo marsiiyo.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si gaar ah Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir waxaa ka go’an in dhacdooyinka nuucaan oo kale ah uu iska saaro masuuliyad gaar ah si shacabka dhibka loo gestay u helaan Cadaaladda.”

Dilka kadib ayaa waxay dad badan oo shacab ah iyo darawallo isugu soo baxeen Zoobe, illaa KM4, kuwaasi oo dibad-bax cabasho ah dhigay, iyagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda.

Dibad-baxayaasha ayaa xilligaas dalbanayay in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan.

Dilalka loo geysto darawallada Mooto Bajaajta ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho, ayada oo fiidnimadii xalay is-rasaaseyn dhex-martay ciidanka dowladda oo ka dhacday isgoyska Siinaay uu ku dhintay darawal mooto bajaaj.

Ad
Previous articleMagaalada Laascaanood oo Dagaalo ka dhaceen Maanta, Somaliland oo war kasoo saartay dhankeeda
Next articleXeer Ilaalinta Qaranka oo War kasoo saartay Sababta mar kale loo xiray Wariye Cabdalla Muumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here