Home Wararka Somaliya Magaalada Laascaanood oo Dagaalo ka dhaceen Maanta, Somaliland oo war kasoo saartay...

Magaalada Laascaanood oo Dagaalo ka dhaceen Maanta, Somaliland oo war kasoo saartay dhankeeda

0

Waxaa saakay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada taabacsan maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood ka socdaa qeybo kamid ah magaalada .

Dagaalka saakay ka socda magaalada Laascaanood ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus , waxaana madaafiic culus ciidamada Somaliland ku garaaceen qeybo kamid magaalada ay ku jiraan xarumo caafimaad.

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in saakay galbeedka magaalada Laascaanood farriisimo ay ciidanka ku lahaayeen soo weerareen kooxo ay ku tilmaameen nabad diid iyo argagsxiso.

War saxaafadeedka Somaliland kasoo baxay ayaa u qornaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

Hargeya-28-02-2023(), waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo Soobe Ku Dilay Mahdi Diiriye Aadan Xili Amniga Muqdisho Faraha Ka Baxay
Next articleCiidamada Booliska Muqdisho oo war kasoo saartay dilkii maanta ee carada badan dhaliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here