Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Cali Shanlow Cali oo Goordhow La Dilay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa

Cali Shanlow Cali oo Goordhow La Dilay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayaa dil qorsheysan oo ay maanta rag hubeysan ka geysteen xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay Marxuum Cali Shanlow Cali oo ahaa kormeerihii wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta inay dilka fuliyeen kooxo hubeysan oo watay bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib toogashada marxuumka.

Cali Shanlow ayaa lagu soo warramayaa in xilliga la dilayey uu isku diyaarinayay inuu kormeer ku sameeyo imtixaanka shahaadiga ee maanta ka billowday dalka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale wasaaradda waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saartay dilka marxuumka, waxayna tacsi u diray ehelladiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay aad uga xun tahay falkaasi, iyada oo ku baaqday in baaris deg deg ah lagu sameeyo kooxihii ka dambeeyey toogashadaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNin ciil dartiis u gubay qabriga soddohdiis.
Next articleIlhaan Cumar ayaa garsoore sare ku eedeysay in xukunada uu rido ay soo go’aamiso xaaskiisa.