Home Wararka Caalamka Ilhaan Cumar ayaa garsoore sare ku eedeysay in xukunada uu rido ay...

Ilhaan Cumar ayaa garsoore sare ku eedeysay in xukunada uu rido ay soo go’aamiso xaaskiisa.

0

Ilhan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa wali sii wadda olole ay ku doonayso in mas’uuliyadda laga qaado garsoore ka tirsan maxkamadda ugu sarreeya Mareykanka, oo lagu magacaabo Clarence Thomas.

Garsoorahan ayay Ilhaan ku eedeysay in ay go’aannadiisa ku lug leedahay xaaskiisa, Ginni Thomas.

Wareysi ay Ilhaan xalay siisay telefishinka MSNBC ayay ku sii xoojisay mowqifkeeda, iyadoo mar kale ku celisay in Mr Thomas uusan u qalmin booska.

“Micno ma samaynayso inaan iska indha tirno sida ay xaaskiisa ugu lug leedahay go’aannada uu qaato garsoore Thomas,” ayay tiri Ilhaan. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayayna intaas raacisay: “Aniga micno iima samaynayso in aan ku baaqi wayno xil ka qaadistiisa iyo inaan howshaas durba ku dhaqaaqi wayno.

Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa in muddo ahba dalbanayay inuu is casilo Thomas, iyagoo ku gooddiyay in haddii uu shaqada ka tagi waayo ay mooshin xil ka qaadis ah ku samayn doonaan.

Garsooraha ayaa eedeymo la kulmay kaddib markii uu soo baxay war sheegayay in xaaskiisa Virginia, oo loo yaqaanno Ginni Thomas ay farriin email ah u dirtay qareenka taageersan xisbiga Jamhuuriga, John Eastman, oo xuddun u ahaa isku daygii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ku doonayay in lagu baddalo natiijada doorashadii 2020-kii.

Xildhibaan Bill Pascrell oo ka mid ah dadka sida wayn ugu ololeynaya inuu meesha ka baxo garsoore Thomas ayaa sheegay in “aysan suuragal ahaan karin in xilligaas uu Clarence Thomas ahaa qof dhexdhexaad ah” waxa uuna ku tilmaamay “garsoore musuqmaasuq ku dhaqma”.

Horaantii sanadkan ayay guddiga Congress-ka ee loo xil saaray baaritaanka weerarkii 6-dii January lagu qaaday dhismaha Capitol ka codsadeen Ginni Thomas inay kala hadasho waxa dhab ka ah warkaas oo uu daabacay Wargayska Washington Post.

Wargayska ayaa sheegay in guddigu ay caddaymo u hayeen in Thomas ay la xiriirtay gar yaqaan John Eastman.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleCali Shanlow Cali oo Goordhow La Dilay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa
Next articleGalmudug oo soo Bandhigtay Mayd iyo xub ay shalay Shabaab Looga Furtay Dagaalkii Baxdo (Sawiro)