Home Wararka Caalamka Nin ciil dartiis u gubay qabriga soddohdiis.

Nin ciil dartiis u gubay qabriga soddohdiis.

0

Nin u dhashay dalka Pakistan ayaa la sheegay in magaalada Layyah, ee gobolka Punjab ku gubay qabriga soddohdiis hore oo geeriyootay 25 sano kahor.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa 13-kii bishan batrool ku shubay qabriga, isagoo ku hanjabay in sawirrada goobtana uu u dirayo xaaskiisii hore.

Arrintan ayaa waxay ka dhalatay kaddib markii uu xaaskiisii hore oo ay kala tageen 10 sano kahor uu usoo bandhigay inay dib isku guursadaan, taas oo ay diidday.

Haweeneyda walaasheed oo dacwad ka gudbisay ninkan ayaa waxay sheegtay in ninku ku hanjabay inuu qabriga hooyadeed gubayo kaddib caro uu ka qaaday diidmada ay walaasheed diidday codsigiisa.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in qabriga lagu arkay calaamadaha in la gubay, isla markaana la soo xiray ninka oo maxkamadna la soo saari doono.

Farriin ayuu ugu hanjabay inuu gubayo qabriga hooyadeed

Booliiska ayaa sheegay in markii ay warkan heleen kaddib, ay tageen goobta isla markaana ay wareysteen xubnaha qoyska gabadha iyo dadkii deegaanka.

Waxayna kaddib u howlgaleen sidii ay kusoo heli lahaayeen una soo xiri lahaayeen ninkan falkan geystay.

Booliiska ayaa sheegay in kiiska la baarayo isla markaana la soo xiray ninkan kaddib baadigoob qaatay 24 saacadood, ilana marsiin doono sharciga.

Mar ay la xiriirtay BBC-da, gabadha walaalkeed ayaa wuxuu sheegay in seeddigiis hore uu usoo bandhigay inuu dib u guursado walaashiis, balse kaddib diidmo joogto ah, uu ninkaas ka qaaday caro kaddibna uu gubay qabriga hooyadiis.

“Xoogaa kaddib, farriin ayaa iigu soo dhacday WhatsApp-ka telefoonka walaashey oo ay la socdaan sawirrada qabriga hooyadey oo gaas lagu daaray.

Wuxuu sheegay inuu tegay qabriga isaga iyo qoyskiisa kaddibna ay dabka damiyeen, uuna ku wargeliyay booliiska.

Qoyska ayaa sheegay inaysan haatan dooneyn inay ka hadlaan arrintan. “Keliya ciqaaba eedeysanaha, taas ayaan codsaneynaa.”

Kaddib markii la soo xiray ninkan, ayaa booliiska Punjab waxay xiritaankiisa ku shaaciyeen barta Twitter-ka. Dad badan ayaana si caro leh uga falceliyay.

Ad
Previous articleDegmada Baxda oo Dagaal Culus ka Dhacay shalay oo Maantay Imtixaanka Shaadiga laga Daahfuray
Next articleCali Shanlow Cali oo Goordhow La Dilay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here