Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Khasaare Culus uu ka dhashay Qarax Lagu...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Khasaare Culus uu ka dhashay Qarax Lagu Weeraray Luul yamani

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Maqaayad u dhow dekedda Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 10 qof ay ku dhimatay Qaraxa sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 30 Ruux.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Mootada nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska.

Dhanka kale gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in ku dhawaad 15 ruux oo dhimasho ah ay goobta ka qaadeen.

Dadka Qaraxa ku dhintay oo la yaqaano ilaa hadda waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Caadle oo ahaa macalin iyo xoghayaha Warfaafinta xisbiga Himilo Qaran.

 

Ad
Previous articleDEG DEG: Qarax Goor dhaw Lagu weeraray Maqaaxi ku taala Muqdisho
Next articleCaasimada Dhuusamareeb oo Xalay Lagu dhaawacay 3 Qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here