Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Maamulka Garbahaareey oo wali Diidan Tagista Gudigii Rooble Magaabacay iyo AMISOM oo...

Maamulka Garbahaareey oo wali Diidan Tagista Gudigii Rooble Magaabacay iyo AMISOM oo Soo Faragalisay

0

Saraakiisha Ciidamada Amisom, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Garbahaarrey ayaa shir waxaa uu oga furmay kaamka ciidamada Amisom oo ku yaalo garoonka diyaardaha.

 

 

Taliska Amisom saraakiisha ugu sareyso ayaa xalay isku dayay inay keenen magalaada wefdiga Guddiga Qiimeynta xaalada degaan doorasho ee Jubaland oo shalay lo diiday inay garoonka ka soo dagaan.

 

 

Iskudayo ilaa xalay socday ayaa guuldareystay waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay saraakiisha ciidanka ugu sareyso ciidamada Amisom ee joogo Garbohaarey kuwaas oo sheegay inaysan sameyn karin Maamulka magalaada iyo shacabka wax aysan rabin.

 

Dhanka kale waxaa lagu wadaa inuu dhaco banaanbax loga soo horjeedo Guddiga Qiimeynta kaas oo ay dhigayaan shacabka iyo Maamulka degmada.

xiisada wefdiga ayaa sacadihii udanbeyay laga daremayay Garbahaarrey waxaana gudaha Garoonka lagu dhex arkay gadiidka dagaalka Ciidamada DF iyo Ciidamo badan oo garoonka ku dhex sugan.

Ad
Previous articleXiliga Loo Qabtay Doorashada in lagu soo Gabgabeeyo uu umuuqata inaysan kusoo Gabgaboobeen(ogoow Sababta)
Next articleBurcad dhac ka Gaystay Masjidka al-ihsaan oo Gacanta lagu soo Dhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here