Home Wararka Maanta Booliiska Mareykanka oo toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo dhagxaan ku tuuray

Booliiska Mareykanka oo toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo dhagxaan ku tuuray

0

Askari katirsan ciidanka booliiska dalka Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in toogasho ku dilay muwaadin asalkiisu Soomaali yahay, oo la sheegay in dhagxaan ku tuuray gaari ay wateen ciidamado booliiska katirsan.

Cali Cismaan oo ah 34 jir Soomaali ah ayaa lagu toogtay magaaladda Phoenix ee gobolka Arizona, waxaana dilka muwaadinkan Soomaaliyeed fuliyay askari katirsanaa ciidanka booliiska ee ka howlgala magaalada Phoenix oo dhoor xabadood ku dhuftay.

Ninkan Soomaaliga ah ee la toogtay ayaa la sheegay in dhagxaan ku tuuray gaari ay la socdeen ciidamo booliis ah, waxaana ninkan rasaas ku riday askari katirsanaa booliiska oo ka xanaaqay dhagxaanta lagu soo tuuray.

Ehelada Cali Cismaan ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhimirka ka xanuunsanaa wax dambi ahna uusan gelin, waxa ayna booliiska ku eedeeyeen in ay dileen qof xanuunsan oon waliba aan hubeesneen, iyagoona dalbaday magdhaw iyo raaligelin.

Booliiska magaaladda Phoenix ayaa dhankooda sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan kiiskan dilka ah, waxaana falkan ay ku dileen muwaadinkan Soomaaliyeed ee dhimirka ka xanuunsanaa ka carrooday jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool gobolka Arizona.

 

Ad
Previous articleMid kamid ah nabadoonadii Hogaaminaayay Dagaalka Hiiraan oo La Dilay
Next articleAl Shabaab oo dib ula wareegeen Deegaanka Booco ee Dhawaan laga Saaray (Sawirado)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here