Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Mid kamid ah nabadoonadii Hogaaminaayay Dagaalka Hiiraan oo La Dilay

Mid kamid ah nabadoonadii Hogaaminaayay Dagaalka Hiiraan oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamada deegaanka iyo Al Shabaab uu ka socdo deegaano katirsan gobolkaasi.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa saakay ka qarxay deegaano hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi dagaal culus oon waxba la isku reeban ku dhax marayaa dhinacyada is haya.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana saraakiisha ciidanka dowladda dagaalka ka sheegteen guulo wax ku ool ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dadka dagaalka ku dhintay uu ku jiro Nabaddoon Cilmi Hagar Guurre oo ahaa nabadoonka guud ee jufada Cali Madaxweyne ee katirsan beesha Xawaadle, waxa uuna qeyb ka ahaa nabadoonka raga dagaalka hoggaaminayay.

Nabaddoonka ayaana horey u sheegay in dagaalka uu ku dhimanayo ama uusan marnaba sariir jiifsan doonin ilaa uu guul ka gaaro, waxa uuna qeyb weyn ka ahaa nabadoonadda Hiiraan ee dagaalka Al Shabaab looga soo horjeedo hoggaanka u hayay.

Waxii warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah.

Ad
Previous articleMuxuu yahay Heshiisaka Taalibaan iyo Ruushka ay kala saxiixday
Next articleBooliiska Mareykanka oo toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo dhagxaan ku tuuray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here