Xildhibaankii goobta codaynta doorashada qofka ku dilay oo macaan iyo qaraar dhadhaminaya

Didmus Barasa oo ah xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa murashax kale oo uu tartan ka dhexeeyay xilli ay ku sugnaayeen goobta cod-bixinta maalintii doorashada ayaa isku soo dhiibay booliska.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xildhibaanka oo laga soo doorto deegaanka Kimilili, uu madaxa ka toogtay ninka kaddib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.

Ninkan ayaa dib loogu doortay xilka xildhibaannimada kaddib codeyntii doorashada ee 9-kii bishan dhacday. Hase yeeshee, wuxuu kulansaday macaanka dabbalal-degga guusha iyo qaraarka xarigga booliska uu isku soo dhiibay.

Booliska Kenya ayaa ku raad-joogay xildhibaanka tuhmanaha ah oo la raadinayay muddo saddex maalin ah, iyadoo shalay oo Khamiis ahayd uu qareenkiisu codsaday in xariggiisa dib loo dhigo.