Home Wararka Somaliya Galmudug Beesha iska Leh #HOP89 oo cabasho Xoogle ka Muujiyay Doorashada Kasocota Galmudug(Sawiro)

Beesha iska Leh #HOP89 oo cabasho Xoogle ka Muujiyay Doorashada Kasocota Galmudug(Sawiro)

0

Shirka midnimadda iyo wadajirka beesha Mohamed Amaanreer (Wagardhac) maanta lagu qabtay magaaladda dhuusamareeb Caasimadda Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii beesha midnimadeda loo adkeyn lahaa doorasho xor iyo xalaal ahna uga dhici lahayd kursiga #Hope089 ee deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay odayaasha dhaqanka ergada kursiga iyo siyaasiyiin uu kamid yahay Mushrax Xildhibaan Dr Yasin Abdi Jamac waxayna baaq u direen Madaxweyneynaha,Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudiga doorashooyinka SEIT waxayna uga digeen in aan la faragalin kursiga #Hope089 si cadaalad ahna loogu kala baxo.

Odayashi goobta kahadalay ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga xun yihiin isku dayadii kursigooda lagu boobi rabay ee fashilmay sidoo kalana waxay Madaxda Galmudug u sheegeen in kursigaan caan ku yahay in si siman loogu kala baxo.

Ad
Previous articleDeg deg xiisad Ka Taagan Degmada Matabaan
Next articleKoonfurta Magaalada Gaalkacyo oo laga Furay Xarunta Hidaha iyo Dhaqanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here