Home Wararka Somaliya Axmed Madoobe oo laga hor istaagay la hadlida Warbaahinta uu iskugu yeeray

Axmed Madoobe oo laga hor istaagay la hadlida Warbaahinta uu iskugu yeeray

0

Madaxweynaha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa in goordhaw Warbaahinta kula hadlo magaalada Dhuusomareeb uuna ka warbixiyo xaaladihii ugu dambeeyay ee shirka inkastoo mudug24 heleyso in goor dhow laga hor istaagay laguna qanciyay in wada hadalada sii socdaan.

Sida aan wararka ku helnay shirka Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa hada ku dhaw fashil kadib markii la sheegay in Madaxda isku mari waayeen qodobo dhoor ah ay kamid yihiin arinta gobolka Gedo.

Qoraal lasoo dhigay bogga Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa lagu shaaciyay in Axmed Madoobe uu warbaahinta kula hadli doono Dhuusomareeb uuna ka warbixin doono marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay.

”Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Dhuusamareeb ” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay bogga Madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu ka carooday shirka kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya ka biyo diiday in gobolka Gedo dib loogu soo celiyo gacanta maamulka Jubbaland iyo qodobo kale oo la isku mari waayay.

Ad
Previous articleShirka Dhuusomareeb oo u muuqda mid fashil ku dhow xili wali Waan waan ay socoto
Next articleBeesha Caalamka oo ku guuleysatay Shir Jaraa’id uu qaban lahaa Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here