Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Kulan leh iyo Qalalaase laga Cabsi Qabo inu...

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Kulan leh iyo Qalalaase laga Cabsi Qabo inu Ka Dhex Dhaco(Xog)

0

Sida ay Mudug24 u sheegeen xubno ka tirsan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa la filayaa in maanta ay fowdo ka dhacdo xarunta baarlamanka federaalka, ayada oo ay isku hayaan xildhibaano iska soo horjeeda.

Kulankan wadajirka ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa lagu ansixinayaan jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheeda lasoo gabagabeeyo.

Kooxda Rooble ayaa isku dayeysa inay dedejiso kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa inay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga.

Kooxda Fahad ayaa ayagana wada dadaal ay uga hortagayaan qorshahan, si dib loogu dhigo guddoonka doorashada, taasi oo waqti dheeri ah siineysa Fahad.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa xaqiijiyey abaabulka socda ee ah in xildhibaano loogu tala-galay inay fowdo ka kiciyaan kulanka maanta lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

Ad
Previous articleRoobab Xoogan oo ka Da,ay Magaalada Dhuusamareeb
Next articleSacuudiga oo Si kulul uga Hadlay Kitaabka Quraanka ee Lagu Gubay Swedan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here