Home Wararka Caalamka Sacuudiga oo Si kulul uga Hadlay Kitaabka Quraanka ee Lagu Gubay Swedan

Sacuudiga oo Si kulul uga Hadlay Kitaabka Quraanka ee Lagu Gubay Swedan

0

Koox uu horkacayo cunsuri lagu magacaabo Rasmus Paludan oo heesta dhalashada dalalka Sweden iyo Denmark ayaa wada isku dayo ay ku gubayaan nuqulo kamid ah kitaabka Qur’aanka kariimka si ay u muujiyaan naceybta ay u qabaan muslimiinta.

Dalka Sweden qeybo kamid ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday rabshado xooggan oo looga soo horjeeday kooxdan cunsuriyiinta ah, waxaana dareenkooda si weyn u muujinayay muslimiinta kunool Sweden.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si kulul u cambaareesay ficilada cunsuriyiinta ka wadaan dalka Sweden gaar ahaan in ay gubaan kitaabka Qur’aanka, Sacuudiga ayaana ku baaqay joojinta naceybka iyo xagjirnimada islaamka ka dhanka ah.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay gudbineysaa cambaareynta Sacuudi Carabiya ee ku aaddan tacaddiga iyo daandaansiga Muslimiinta, Sacuudi Carabiya wuxuu xoojinayaa muhiimadda dadaallada lagu dardar gelinayo wada xaajoodka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha, iyo sidoo kale baabi’inta nacaybka, xagjirnimada iyo tacaddiyada dhammaan diimaha iyo goobaha barakeysan”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Sacuudiga.

Ficilada ay kitaabka qur’aanka ku gubayaan cunsuriyiinta uu hoggaaminayo Rasmus Paludan, ayaa carro badan ka abuuray guddaha dalka Sweden iyo waddamada Islaamka, waxaana loogu baaqay dowladda Sweden in ay wax ka qabato cunsuriyiinta xagjirka ah.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Maantay Kulan leh iyo Qalalaase laga Cabsi Qabo inu Ka Dhex Dhaco(Xog)
Next articleCiidamada Ukraine oo ka Horyimid Dalab uu Ruushka Hor Dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here