Home Wararka Somaliya Somaliland Xujeydii Somaliland ee sanadkan oo Farsamo layaab leh ku dhoofay kadib...

Xujeydii Somaliland ee sanadkan oo Farsamo layaab leh ku dhoofay kadib diidmadii maamulka Soomaaliland.

0

Xujeydii sanadkaan ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka dhoofay garoomada magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe, sida ay ogaanay

Xujeydaan ayaa ka safray gudaha Somaliland maadama ay xukuumadda ka biyo diiday tiradii loo qoondeeyay ee xajka sanadkaan, ayada oo go’aan ku gaartay haddii aan wax laga badalin aysan dadkeeda soo xajin doonin.

Horaanta bishaan ayey aheyd markii ay xukuumadda Somaliland si adag uga hortimid tirada ay dowladda federaalka u qorsheysay inay kasoo xajiyaan deegaanadeeda, taasi oo dhan 350.

” Shirkadaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban,” ayaa lagu yiri bayaan 1-dii bishaan kasoo baxay kulan ay yeesheen madaxweyne kuxigeenka Somaliland, culimada iyo qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka.

Sidoo kale waxaa xiligaas bayaankaas lagu yiri “Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keeni doontaa in dadkayagu aanay xajin sanadka.”

Somaliland ayaa ku dooday in arrimaha Xajka ay siyaasadeysay dowladda federaalka, inkasta oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta uu ku dooday in si wanaagsan loo maamulay qeybinta qoondada ay Soomaaliya ka heshay dowladda Sacuudiga.

Si kastaba, Xujeydii Somaliland ee sanadkaan ayaa iskood u go’aansaday inay ka dhoofaan deegaano kale oo ay u galeen safaro dheer, taasi oo ay horseed u tahay cadaadiska xukuumadda iyo xifaaltanka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

 

 

 

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya Oo Maalinkii Labaad Ku Dhagan wasiir Beyle iyo Fadeexad Banaanka Usoo Baxday
Next articleErgaga gaarka ah ee Gurmadka abaaraha oo ka hadlay Arima Xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here